Latest Article

6/recent/ticker-posts

Jumca Wanagsan walalahal

 Jumca Wanagsan walalahal


Qisada "أصحاب الكهف" (Ashab al-Kahf) waxay leedahay macne ballaaran oo qoto dheer waxayna ku jirtaa Quraanka kariimka ah, gaar ahaan Suuradda Al-Kahf. Waa qiso cajiib ah oo ku saabsan rumaysadka Alle iyo in kaligiis la caabudo, iyo mucjisooyinka Alle SWT.


Si kooban aan isugu sheegno qisadan:


Waxaa jirtay magaalo xilli fog oo ahayd mid dadkeedu ay caabudaan sanamyada, waxayna ku sugnaayeen shirki iyo caabudidda sanamyadaas. Waxaa sidoo kale magaaladaas ku noolaa dhalinyaro yar oo ka koobnaa dhowr qof oo u go'ay inay Ilaahay kaliya caabudaan, iyagoo diiday caabudidda sanamyada iyo inay Alle u shirki sameeyaan.



Markii boqorkii magaalada ogaaday inay dhalinyaradu diideen caabudidda sanamyada, wuxuu ku amray inay ku noqdaan diinta dadkooda oo ay caabudaan sanamyada ama ay wajihi doonaan ciqaab adag. Dhalinyaradii waxay doorteen inay ka cararaan magaalada si ay uga badbaadaan cadaalad darradaas oo ay Ilaahay kali ah caabudaan.


Markii ay soo carareen, waxay soo gaareen god buur ku dhex yaal. Halkaas ayay ku dhuunteen si ay uga badbaadaan boqorka iyo ciidankiisa. Ilaahay (SWT) wuxuu ka yeelay mucjiso weyn, oo wuxuu hurdo dheer galiyay muddo gaaraysa 309 sano. Ilaahay wuxuu ka ilaalinayay intii ay hurdeen inay qorraxdu wax yeelayso ama jirkoodu is beddelo. Qof kasta oo arkana wuxuu Alle ku beerayay argagax iyo cabsi wuuna ilaaway wuxuu arkay. Eygoodii na in ta uu lugaha u fidsaday god ka arriddiisa buu seexday sidooda si lamid ah.


Markii ay dhalinyaradu soo tooseen, waxay u maleeyeen inay hurdeen waqti yar. Midkood ayaa yiri waxaynu hurudnay maalin ama maalin barkeed. Midkood ayay magaalada u direen si uu raashiin iyo akhbaar uga keeno. Laakiin markii uu magaalada tegay, wuxuu arkay in wax walba is beddeleen, dadkii magaalada iyo caadooyinkoodii dhammaan in wax badani is beddeleen. Waxaana soo baxay oo meesha maamulayay boqor rumeysan Alle SWT.


Markii ninkii dhalinyarada ahaa loo waramay oo loo sheegay in lacagtan uu rabo inuu wax ku gato ay socon jirtay 300 sano kahor, boqorkii ay ka carareena uusan ba waayadan ba noolayn, ayaa waxa arrinta wiilka dhalinyarada ah ogaaday boqorkii markaas joogay ee Muslimka ahaa. Wuxuuna ku yiri wiilkii, "Noo gee saaxiibadaada." Haye buu yiri, wuxuu na codsaday wiilkii in cabaar ay ka danbeeyaan si aysan saaxiibadii uga argagixin ciidanka iyo dadkan maadaama ay isu haystaan dad baxsad ah oo la raadinayo. Isku soo wada duuboo markii uu godkii soo gaaray wiilkii wuxuu arkay saaxiibadii oo wada geeriyooday, isna halkaas ayaa Alle ku oofsaday.


Haddaba waxay arkeen dadkii dhammaan dhalinyaradii oo wada mayd ah. Waxaana la isku qabtay in dushooda laga dhiso guri, halka kuwo kalena ay dheheen halga dhiso masaajid si ay calaamad mucjiso ah ugu noqoto. Kuwii dhahay masaajid halaga dhiso ayaa guulaystay.


Qisadan waxay na baraysaa daacadnimada, rumeysashada awoodda Alle iyo naxariista Ilaahay ee dadka mu'miniinta ah. Waxay sidoo kale na baraysaa sida Ilaahay uga jawaabo dhibaatooyinka iyo baryada addoomadiisa.


( والله أعلم )

Post a Comment

0 Comments