Latest Article

6/recent/ticker-posts

Geraar jacayl oo xiisa badan

 Dadka ruuxa kuu nugul ama daacad kuu jecel wxa lagu dareemaa durba lagu ogaadaa  siduu kuu daydaya iyo siduu kuu daryeeliyo siduu kuu dugsada oo dunidiisa ugu tahay dadka ruuxa kuu jecel waxa lagu dareemaa hadal dabacsanantiyo dulqaad aan xisaabnayn oraah laabta deeqdiyo wehel iyo dadaal badan dadka ruux ku aaminay waxa lagu dareemaa danbi kuguma ooggoo dawco kuguma furo oo dood kuguma dhaliyee qalbiguu dajinayaa dadka ruuxa kuu neceb waxa lagu dareemaa daandaansi badan iyo duryan aad ku karahdiyo weer adi ku daartiyo hadal aad ka sii dido  dadka ruux ku dagi rabo waxa lagu dareemaa Dubna hadal macaanloo kolba dada warkoodoo kuu duur xulaayoo deg degooda laga baqo 


               Abdirisak omar ✍️ 

Post a Comment

0 Comments