Raggu waxa ay jecel yihiin in ay dumarka ka helaan seddexdaan dabeecadod
1" inan dhowrsan misna asturan
2" inan af gaaban waliba xishood badan
3" inan leh dhaqan wanaagsan iyo dabeecad dagan
Dumarkuna waxa ay ka siman yihiin ragga in ay ka helaan seddexdaan dabeecadod
1" nin naxariis badan misana uga taxadara sida inan tiisa oo kale (gabadha uu dhalay)
2" nin dulqaad badan oo haddii la is qabto noqda kii u sabra xaaskiisa
3" nin xushmad badan oo xaaskiisa u qadariya sida hooyadiis oo kale.
Hadaba inantii nasiib u yelatay inuu alle (SW)
ugu deeqay dabeecad iyo dhaqan wanagsan waxaa tahay gabar (inan) inuu nin kasta ku fakaro hamiyo inuu helo.sidaa awgeed isku day inaad ilaashato oo aad ku dhaganaato dhaqanka iyo dabeecada wanaagsan waayo adiga ayaa ah qofka kaliya oo ay cid kastaa baadi goobayso in ay xariir la samayso.
Sidoo kale ragga uu Alle (SW) ugu deeqay dhaqanka iyo dabeecada wanaagsan waxaad ogataan dumarku waxa ay ku hamiyaan in ay helaan nin adiga oo kale ah ee isku day in aad xajisato dabeecadahaaga iyo dhaqankaga wanaagsan
Waxaan Allah waydiisanayanaa ragg iyo dumarba inuu nasiiyo dhaqan iyo dabeecad wanaagsan uuna u fududeeyo guur ka intii guur doon ah
0 Comments