Hadaan mar mar laysku dhicin dhawaaq kulul laysku oran hadana dhabta laysku qaban jacayl dhaba laysku qiran ilmada dhaqso layska tirin is dheelitirka dhumo nolosha dhadhanka katago dhibaato kolkay timaad hadaan lays dhiira galin dhaxdiina khilaafka yaal isfahan lagu soo dhamayn waxaa lagu kala dhintaa waxan duluc dheer lahayn majiro ruux soo dhashoo dhaliil iyo iinka maran dhacdada kaa yaabisaa qof bey dhalanteed la tahay is dhagaysi wax dhaamo oo lawaa lays ku dhaafsan karo kolkey jirid dhumuc leh iyo lixaadkiyo dhirirka tahay
Geedaha dhamastaa u wayn hadane duwan laga gurtiyo miriyo dheef laguma qabo sidaas oo kale dhabtii dhaqanka wacan baa ka roon dhaqaaliyo maal la helo
0 Comments