Hooyooy macaaney malabeey wanaagey murti iyo aqooneey maskax iyo itaaley muruq iyo lafdhabartay muxibooy kalgacaleey miskigii adunkaay mirihii firdowsay misaanka noloshaay waxay laabtu muhato maanku uu jeclaysatana mida ugu qurxooney waxa mowle bixiyoo kumanaysto aadmiga mida ugu saraysaay ruux lagu maqsuudo macluusha bi.iyaay masruuf aan dhamaan iyo muska reer ku leeyahay mahad lagu aflaxayey marti raali galiyaay qaraabada mid soortay miskiinkana unuguley manfac lagu janoobaay maamuus gobeedeey midig iyo lixaadiyo 3 jeer xaq mudaneey murug iyo xanuun iyo mahadhiyo dhibaataba Hooyo mowle kaa haay camalkana intii mudan magacana intii sare maalkana inta ubadan mowdkiyo aduunka muftaxodo laguu dhiib mahaajirinta nabigiyo ansaartii madiiniyo mu'miniinta aakhiro miiska lagu casuume maa muuskoodu yahay macbuudka ilahay macooda hakaa dhigo hooyo moodku kaa raag
0 Comments