Latest Article

6/recent/ticker-posts

Salaadda iyo juz tabaarak

 Salaadda iyo juz tabaarak



Suuradaha uu ka kooban yahay juzka 29-aad ama juzka labaad marka hoos laga xisaabiyo waxay aad uga hadlaan arrimaha qiyaamaha iyo awoodda Allaah, sidoo kale Rabbigay wuxuu uga hadlay salaadda. 


Waxaan isla eegi doona Aayadaha uu Raxmaanka uga hadlay salaadaha. 


Qofka aan salaadda aduunka ku tukan ee iska diidaa ama iska kibriyaa, ma awoodi doono inuu sujuudo maalinta qiyaamaha. 


Rabbigaa wuxuu Suuratu Nuun ku leeyahay:


‎يَوْمَ يُكْشَفُ عَن سَاقٍ وَيُدْعَوْنَ إِلَى السُّجُودِ فَلَا يَسْتَطِيعُونَ


“Maalinta dhudhunka la faydi doono looguna yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud.”


Sababta maxay tahay Rabbiyoow?


‎خَاشِعَةً أَبْصَارُهُمْ تَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۖ وَقَدْ كَانُوا يُدْعَوْنَ إِلَى السُّجُودِ وَهُمْ سَالِمُونَ


Aragoodu/indhahoodu Maalintaas waa dullaysan yahay waxaana hadheeyay/ ka muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray Sujuud iyagoo nabad qaba.


Adiga oo caafimaad qaba, caqli leh ilaahay kuu nimceeyay hadaad aduunka ku tukan weysay Aakhiro kuma tukan kartid, xaaladdu ma sahlana!!


Raxmaanka isaga oo ka hadlaya faa’iida ay salaadda leedahay wuxuu Suuratul Macaarij ku leeyahay: 


‎ إِنَّ الْإِنسَانَ خُلِقَ هَلُوعًا

“Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.”


‎إِذَا مَسَّهُ الشَّرُّ جَزُوعًا

“Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.”


‎وَإِذَا مَسَّهُ الْخَيْرُ مَنُوعًا

“Hadduu khayr helana wuu reebaa.”


Allaahu Akbar marka uu Allaah ka soo sheekeeyay nooca uu insaanka yahay iyo sida uu isu bedelo oo u dhibtoodo wuxuu ka soo reebay kuwa tukada Raxmaanka wuxuu leeyahay:


‎إِلَّا الْمُصَلِّينَ

“Marka laga reebo Muslimiinta tukata.”


Tukasho noocee ah weeye rabbigeenow? Waa kuwee kuwaas tukada? 


‎الَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ دَائِمُونَ

“Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima.”


Yaa Allaah, bal u fiirso macaanka iyo faa’idada ay leedahay salaadda, wallaahi farxad iyo noolal macaan waxay ku jirtaa Salaadda, dhib iyo warwar oo dhan waa salaad la’aanta. 


Isla suuradda wuxuu Allaah ka sheekeeyay sifooyinka wanaagsan ay mu’miniinta leeyihiin waxaa ka mid ahaa: 


‎وَالَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ


Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra).


ALLAAHU AKBAR OO KUWAAS ABAAL MARINTOODU MAXAY TAHAY RABBIYOOW?


‎أُولَٰئِكَ فِي جَنَّاتٍ مُّكْرَمُونَ

“Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.”


Bilow ilaa dhamaad Suuratul muzamil wuxuu Rabbigaa uga hadlay salaadda gaar ahaan salaatul Laylka, dhamaadka Suuraddana ilaahay wuxuu nagu faray in aan salaadda oogno raxaamaanka wuxuu leeyahay:


‎وَأَقيمُوا الصَّلوٰةَ

“Salaadda ooga”


Suuradda ku xigta suuradda waa mudathiree rabbi wuxuu noogu sheegay Sababaha naarta lagu galo inay ka mid tahay salaadda oo aan la tukan, raxmaanka wuxuu leeyahay: 


‎كُلُّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ رَهِينَةٌ

“Naf walba waxay u xidhantahay waxay Camal fashay.”


‎إِلَّا أَصْحَابَ الْيَمِينِ

Hase yeeshee (marka laga reebo) kuwa Midigta mari (Ehlu khayrka).


‎فِي جَنَّاتٍ يَتَسَاءَلُونَ

“Waxay gali Jannooyin, waxayna iswaydiin.”


‎عَنِ الْمُجْرِمِينَ

“Dambiilayaasha.”


‎مَا سَلَكَكُمْ فِي سَقَرَ

“Iyagoo ku dhihi Maxaa idin Galiyay Naarta saqara.”


Subxanallaah jawaabta ugu horreysa ay bixinayaan waa:


‎قَالُوا لَمْ نَكُ مِنَ الْمُصَلِّينَ


“Waxayna ugu Jawabi ka mid ma'aannaan ahayn kuwa Tukada.”


Laa ilaaha Illa Allah, walaal aan ku dadaalno salaadda, wallahi farxadda aduun iyo liibaabta aakhiro salaadda ayay ku jirtaa. 


Salaadda macnaheedu waa xidhiidhi adiga iyo Rabbigaa, salaad la’aan waa xidhiidh la’aan. 


Nabiga salaatullaahi wa salaamuhuu Markii uu dhimanayay wixii ugu dambeeyay ee ka dardaarmay waxaa ku jirtay Salaadda, wuxuuna lahaa war salaadda hala ogaado. 


Wixii hore iska hilmaam hadda bilow salaadda, oo ilaahay weydiiso in uu kuugu kaalmeeyo tukashada salaadda, ilaahay aan u soo noqono inta goori goortahay

Post a Comment

0 Comments