Liverpool iyo Manchester United ayaa ka maqnaan doona tartanka dibu-habaynta lagu sameeyey ee FIFA Club World Cup oo tirada kooxaha ka qayb-gelaya laga dhisay 32 kooxood, laakiin waxa fursaddooda helaya Manchester City iyo Chelsea oo noqday labada kooxood ee ignigiriiska uga qayb-gelaya.
12 kooxood oo reer Yurub ah ayaa ka qayb-geli doona tartanka FIFA Club World Cup sannadka 2025 oo lagu qaban doono waddanka Maraykanka, kaas oo sidoo kalena saamiyo badan siiyey kooxaha qaaradaha kale.
Latin America ayaa waxa tartankan uga soo qayb-geli doona lix kooxood, halka Asia, Africa iyo America ay ka iman doonaan min afar kooxood, waxaana tirada buuxin doona hal koox oo ka iman doonta Oceania iyo dalka martigelinaya ee Maraykanka oo naadi ka dhignaan doona martigeliyaha yeelan doona.
Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA oo isbeddel weyn ku sameeyey tartankan oo hore loogu ciyaari jiray Imaaraadka Carabta, ayaa waxa iyadoo tirada la kordhiyey lagu dheeli doonaa waddanka Maraykanka.
Waa kuwan kooxaha ka qayb-gelaya iyo tartamada ay ka socdaan:
UEFA: Bayern Munich, Borussia Dortmund, Real Madrid, Manchester City, Chelsea, Inter Milan, Paris Saint-Germain, Benfica, Porto
CONMEBOL: Palmeiras, Flamengo, Fluminense
OFC: Auckland City
CAF: Al Ahly, Wydad Casablanca
AFC: Al-Hilal, Urawa Red Diamonds
CONCACAF: Monterrey, Seattle Sounders, Club Leon
0 Comments