FADLIGA BISHA RAMADAAN.
Fadliga Bisha Ramadaan ma aha Wax Qoraal lagu soo koobi karo: Ilaahay SW, ayaa u gartay Bisha Ramadaan iney noqoto Bishii Qur’aanka Karrimka ah lagu soo Dejiyay Dhexdeeda. Halkaas waxaa ka cad Darajada iyo Qiimaha ay dheer tahay Bilaha kale.
Allaah SW, wuxuu yiri:- Bisha Ramadaan oo dhexdeeda la soo Dejiyay Qur’aanka, isagoo Hanuun u ah Dadka iyo Xujooyin Cad oo Hanuunka ah iyo kala Saarid Xaqa iyo Baadilka. (Suuratul Baqara, Aayadda 185aad).
Allaah SW, wuxuu kaloo yiri:- Xaqiiqdii, waxaan soo Dejinay Qur’aanka Habeenka Qadarka. {Suurat: Al-Qadri, Aayadda 1aad}.
Fadliga iyo Dheeraadka Bisha Ramadaan waxaa ka mid ah in Habeenadeeda ay ka mid tahay Habeen la yiraahdo Leylatul Qadri, oo ka Kheyr badan Kun (1000) Bilood. Habeenkaas wuxuu ka mid yahay Habeenada Ramadaanka. Waxaa la sheegay in Habeenkaas uu ku jiro Tobanka ugu Dambeeya Bisha Ramadaan, gaar ahaan waxaa loogu sii Sheegay inuu yahay Habeennada Kisiga ah sida (21, 23, 25, 27, 29), waxaa Suura gal ah in uu helo Habeenkaas Qofka Bisha Ramadaan oo dhan ku Dadaala Cibaadada, Baryada Ilaahey, Salaadda, Dembi dhaaf Dalabka, Taraawiixda iyo Tahajudka.
Abuu Hureyra RC, wuxuu yiri: Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Qofkii u kaca in uu Tukado Salaad Taraawiix bisha Ramadaan, Iimaan qab iyo Ajar Dalab dartood, waa loo Dhaafaa wixii Dembi yar yar ah oo horay uga Dhacay. (Bukhaari iyo Muslim).
0 Comments