Manchester City ayaa soo dhoweynaysa in kooxaha Sucuudigu ay soo dalbadaan xiddiga khadka dhexe ee reer Belgium ee Kevin De Bruyne oo 32 jir ah.
Manchester City waxa ay go’aamisay in qiimaha Kevin de Bruyne uu noqdo £100 milyan oo Gini. (Talksport)
Chelsea waxa ay doonaysaa inay iibiso goolhayaha reer Spain ee Robert Sanchez oo 26 jir ah xagaaga soo socda, waxaanay beddelkiisa u doonayaan goolhayaha Arsenal ee Aaron Ramsdale oo ah 25 jir u dhashay England. (HITC)
Chelsea waxa ay doonaysaa difaaca Barcelona iyo xulka France ee Juiles Kounde oo 25 jir ah, kaas oo xagaaga ay isku dayi doonaan inay kasoo qaataan Barca.
Arsenal waxay xiisaynaysaa weeraryahanka Juventus ee Kenan Yildiz oo 18 jir ah, laakiin laacibka reer Turkey ayaa waxa sidoo kale uu shiishku u saaram yahay Liverpool iyo Borussia Dortmund. (Calciomercato)
Manchester United ayaa ka fiirsanaysa inay dalab ka gudbiso khadka dhexe ee Real Betis ee Gido Rodriquez oo 29 jir ah, iyadoo laacibkan reer Argentina si xor ah lagu heli karayo marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda. (Fichajes)
Kooxaha Sucuudiga ee Al-Ittihad iyo Al-Nassr ayaa ku tartamaya difaaca Manchester United iyo xulka France ee Raphael Varane oo 30 jir ah. (90 min)
Manchester United waxa ay xiisaynaysaa difaaca Juventus ee Gleison Bremen oo 26 jir ah, si uu uu beddelo Raphael Varane, laakiin waxa daafaca reer Brazil ee Bremen ay Juventus ku qiimaynaysaa inta u dhaxaysa 60 milyan oo Euro illaa 70 milyan oo Euro. (Tuttosport)
Manchester City waxa ay dib ugu rogaal-celinaysaa kubbad-sameeyaha reer Brazil ee Lucas Paqueta, si uu ugu beddelo Bernardo Silva oo 29 jir ah oo ay suurtogal tahay inuu ka tago City xagaaga. (Telegraph)
0 Comments